Liverpool iyo Real Madrid oo Ka Wada Hadlay Mustaqbalka Alexander Arnold Kahor Kulankoodii Champions League.
Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa wada hadallo ka yeeshay mustaqbalka mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qiimaha badan Reds kahor inta aysan soo caga dhigan garoonka Anfield habeenkii Arbacada (27-kii November).
Wakiillo ka socda labada kooxood ayaa kulan fool-ka-fool ah yeeshay kahor ciyaarta, iyagoo diiradda saaray mustaqbalka daafaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold. Xiddiga reer England ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana calaamado badan muujinayaan inuu u wareegi doono kooxda Real Madrid.
Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah ee Marca, Liverpool ayaa diyaar u ah inay Alexander-Arnold suuqa dhigto bisha January. Inkastoo Real Madrid ay sugi karto si ay si bilaash ah ugu hesho xagaaga soo socda, haddana kooxda LaLiga ayaa si weyn ugu baahan ciyaaryahan si degdeg ah u saameeya booska daafaca midig, taas oo u oggolaan karta Valverde inuu dib ugu laabto khadka dhexe oo uu ku fiican yahay.