Jamal Musiala oo shaaciyay sabab la yaab leh oo keentay inuu Chelsea uga tago una wareego Bayern Munich.
Jamal Musiala ayaa daaha ka rogay in Brexit ay door muhiim ah ka ciyaartay go’aankiisii uu uga tagay Chelsea si uu ugu biiro Bayern Munich.
Musiala, oo ku dhashay Jarmalka kuna noolaa dalkaas ilaa uu toddobo jirsado, ayaa qoyskiisu u guureen England, halkaas oo uu ku biiray Chelsea sanadkii 2011. Waxa uu joogay akadeemiyada kooxda illaa 2019, markaas oo uu go’aansaday inuu dib ugu laabto Jarmalka kuna biiro Bayern Munich.
Maqaal uu ku qoray Players’ Tribune, 21-jirkan ayaa sheegay in Brexit ay sabab weyn u ahayd isaga iyo qoyskiisa iney dib ugu laabtaan dalkoodii hooyo.
Musiala ayaa yiri:
“Markii aan 16 jir ahaa, waxaan sameynayay GCSE-dayda, waxaana qoyskeena ka jiray walaac badan. Ma ahayn kaliya kubadda cagta, laakiin nolosheenna. Brexit ayaa laga hadal hayay UK, hooyadayna waxay ka walaacsanayd sida Brexit shaqadeeda saameyn ugu yeelan karto iyadoo ah qof qurbajoog ah oo London ka shaqeynaya.
“Ma heli karayn jawaabo cadcad. Waxay ahayd waqti adag. Xilligaas Bayern Munich waxay noo soo bandhigtay fursad aan dib ugu laabanno gurigeenna. Waxaan jeclaa England. Si daacad ah, waxaan dareemayay inaan qayb ka ahay Ingiriiska. Go’aanka ah in noloshaada laga raro meel ma fududa, laakiin waxaan dareemay inuu ahaa mid qaddar ah. Wax walboo ku saabsan Bayern waxay u muuqdeen kuwo dabiici ah.”