Xiddiga Real Madrid Kylian Mbappe ayaa hore u isticmaalay magac kale kahor inta uusan beddelin.
Markii uu weeraryahanku si rasmi ah ugu biiray PSG isagoo ka yimid AS Monaco sanadkii 2018, waxaa loogu yeeri jiray Kylian Mbappe – laakiin ma ahayn magaca uu mar walba ku shaqeyn jiray intii uu joogay Monaco.
Magaca buuxa ee Mbappe waa Kylian Mbappe Lottin, waana magaca loogu yeeri jiray intii uu ku jiray waayihiisii hore ee Monaco. Si kastaba ha ahaatee, ugu dambeyntii wuxuu doortay inuu isticmaalo kaliya magaca ‘Mbappe’ ee dhabarka funaanaddiisa.
Sanadihii la soo dhaafay, sababta ka dambeysa isbeddelkaas magac lama shaacin.warbaahinta ayaa qirtay inuu jiro naceyb ah adeegsiga magaca aabbihiis sababo la xiriira korriinkiisa markii uu yaraa.
Tan iyo markii uu xagaagan ku biiray Real Madrid, Mbappe wuxuu saftay 17 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 9 gool isla markaana caawiyay 2 gool oo kale.