Xiddiga Man City Rodri ayaa caddeeyay xaqiiqada ku saabsan u wareegista Real Madrid kadib jawaabtii Neymar.
Qadka dhexe ee Manchester City, Rodri, ayaa qirtay inuu mar walba dhageysan doono wicitaan kaga yimaada Real Madrid inkastoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada dhinac kadib markii uu ka guuleystay Vinicius Jr abaalmarinta Ballon d’Or.
Rodri ayaa qirtay inuu mar walba “dhegeysan doono” haddii Real Madrid ay soo wacdo, inkastoo kooxda reer Spain aysan dooneynin xiddiga ka ciyaara qadka dhexe. Xiriirka ka dhaxeeya Rodri iyo Los Blancos ayaa noqday mid is-beddelay waayadii ugu dambeeyay. Tan iyo markii Rodri uu ku guuleystay Ballon d’Or, isagoo ka sara maray garabka Madrid, Vinicius Jr, waxaa jirtay xiisado u dhexeeya labada dhinac.
Qalalaasihii ugu dambeeyay wuxuu ka dhashay mar uu Rodri ka hadlay idaacad ku taal Spain. Wuxuu siiyay garabka reer Brazil talooyin ku saabsan meelaha uu diiradda saari lahaa iyo dhinacyada uu horumar ka sameyn karo.
Qaar ka mid ah saaxiibada Vinicius Jr, sida saaxiibkiisa xulka qaranka Neymar, ayaan jeclaysan hadallada Rodri, isagoo kusoo qoray baraha bulshada: “Hadda wuxuu noqday qof hadal badan.”
Shakiga ku saabsan u wareegista Madrid wuxuu ka yimid laba arrimood oo muhiim ah — tan koowaad waa in Rodri uu qandaraaskiisa uga harsan yahay labo sano oo keliya.
Wuxuu ku yiri Cadena SER: “Waxaan heystaa labo sano oo iga harsan qandaraaskayga, wakhtigii aan ka wada fariisan laheen ayaa soo dhow.Waa cadahay in (cusbooneysiinta qandaraaska Pep Guardiola) ay tahay dhiirrigelin muhiim ah. Aad ayaan uga mahadcelinayaa kooxda. Waqtiga xaadirkan, aad ayaan ugu faraxsanahay.”