Bruno Fernandes ayaa sheegay inay qayb ka tahay shaqadiisa kabtanimo ee Manchester United, inuu ka caawiyo asxaabtiisa kooxda inay la qabsadaan taatikada tababaraha cusub ee Ruben Amorim.
Amorim ayaa sheegay ka dib barbarihii 1-1 oo ay la galeen Ipswich kulankiisii ugu horeysay ee uu hogaamiyo United in ay ku dhibtoodeen ciyaartooydu la qabsiga nidaamkiisa.
Fernandes waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu dardar gelin doono hawsha gaarka ah ee uu kaga cawinayo ciyaartooyda la qabsiga taatikada tababaraha cusub.
“Runtii aad ayaan uga warqabaa wax walba, waxa aan ku sameyno tababarka waa wax loo baahan yahay in la dhaqan galiyo,” Fernandes ayaa u sheegay suxufiyiinta.
United ayaa wajihi doonta kooxda Bodo/Glimt koobka Europa League habeenka Khamiista, iyagoo doonaya inay helaan guushii ugu horeysay ee tababare Amorim.
Dhinaca kale tababarihii hore ee Man Utd Erik ten Hag ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii uu niyad jab ku bilowday ololahan.
“Dabcan haddii aad beddesho macalinka bartamaha xilli ciyaareedka, shaqadu uma socan karto sidaad rabto,” ayuu yiri kabtanka Man Utd.
Haddii arrimuhu u socon waayaan sida la rabto, qof walba waa inuu eedda qaataa, qof kasta oo ka tirsan kooxda ayaa leh qaybtiisa “ayuu yiri Bruno oo aan ku qanacsaneyn isbedelkii tababare ee ku dhacay Man Utd.
Hadaladaan adag ee Bruno ku hadlay caawa, waxay soo dadajin kartaa dagaal cusub oo ka dhax qarxa isaga iyo tababarihiisa cusub.