Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa amaanay tababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim.
Waxa uu rajo wanaagsan u saadaaliyay tababaraha reer Portugal, kaasoo Red Devils kaga soo biiray Sporting CP bishaan November.
Amorim ayaa la wareegay xilka Old Trafford ka dib markii uu shaqada ka tagay tababarihii ku meel gaarka ahaa ee Ruud van Nistelrooy.
Amorim wuxuu u dhaqaaqay England ka dib markii uu ka caawiyay Sporting CP inay ku guuleysato shan koob, oo ay ku jiraan laba horyaal oo Primeira Liga ah.
Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka Arsenal ee UEFA Champions League ay la ciyaarayaan Sporting CP caawa, maamulaha Gunners ayaa yiri, “Amorim waa tababare aad u wanaagsan, leh xirfad gaar ah, kaasoo wax taariikhi ah ka sameeyay Sporting.
Waxa uu haystaa tartan aad u fiican iyo mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, waxanan rajaynayaa in uu si fiican ugu soo bixi doono doorkiisa cusub” ayuu iri tababare Arteta.
Arsenal ayaa caawa wajaheysa kulan katirsan Champions League kooxda Sporting CP oo uu dhawaan shaqadeeda ka tagay Amorim.