Tababaraha reer Portugal ee Amorim ayaa doonaya in Manchester United uu ku xoojiyo difaaceeda mid ka mid ah xiddigaha bandhiga fiican ka sameynaya Premier League xili ciyaareedkaan.
Manchester United ayaa sii wada in ay ka shaqeyso xoojinta kooxdeeda, Rúben Amorim, oo ah tababaraha Red Devils, waxa uu difaaca u arkaa meel muhiim ah oo ay ka dhibtooneyso kooxdiisa.
Sida laga soo xigtay The Sun, tababaraha reer Portugal ayaa u aqoonsaday 23 jirka daafaca bidix ee Rayan Aït-Nouri, kaasoo haatan u ciyaara Wolverhampton, mid tayo leh oo kooxdiisa xoojin kara.
Amorim, ayaa go’aansaday inuu dib u soo nooleeyo kooxda Man Utd ka dib markii ay ku bilowdeen xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed xun.
Aït-Nuri wuxuu u arkaa Amorim inuu hirgalin karo nidaamka uu doonayo inuu ka hirgaliyo Old Trafford.
Laacibka daafaca ka ciyaara waxa uu leeyahay xawaare sare, awoodiisa dhaqaajinta kubada way fiican tahay, wuxuuna sidookale leeyahay difaacasho adag.
Manchester United ayaa raadineysa ciyaaryahan si wanagsan kaga shaqeyn kara difaaca bidix kana qeyb gali kara weerarka, waxaana loo arkaa ninkaan hadda wacdaraha ka dhigaya Premier League.