Manchester United ayaa sii wadda raadinta weeraryahan heer sarre ah oo awood u leh inuu la tartamo Rasmus Højlund iyo Joshua Zirkzee.
Sida laga soo xigtay Florian Plettenberg, Manchester United ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa saxiixa gooldhaliyaha ugu sarreeya Bayer Leverkusen ee Victor Boniface.
Rúben Amorim ayaa u arka weeraryahanka Nigeria ciyaaryahan sameyn kara wax la mid ah wixii uu Viktor Gyökeres ka sameeyay kooxdiisii hore ee Sporting CP.
Xilli ciyaareedkan bilowga ah Boniface, wuxuu dhaliyay lix gool 10 kulan oo uu usaftay kooxda Xabi Alonso Bundesliga.
Xilli ciyaareedkii hore, xiddiga reer Nigeria ayaa diiwaan galiyay 14 gool 23 kulan oo uu saftay waana wax soo jiidasho leh.
Ciyaartii ugu horeysay ee Rúben Amorim isagoo ah tababaraha Manchester United ayaa ku dhamaatay barbardhac 1-1 ah, waxayna kooxdiisa ku dhibtooday booska labarla 9-aad.