Horay waan u aragnay Manchester United oo ka duwan tan Ruben Amorim, laakiin arrimaha qaar ayaa qaadan doona waqti dheer in la xaliyo.
Fasaxa caalamiga ah intii lagu maqnaa Amorim ayaa isku dayay inuu bixiyo dhawr tababar si uu u fahmo awooda qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ka hor inta uusan wajihin Ipswich kulankiisii ugu horeeyay Premir League.
Hadda qaab ciyaareedyo ka rajo fiican kuwi hore ee kooxda Man Utd ayaa muuqda.
Waxaad arki kartay isku dheeli tirnaan cad oo oo ay heshay Man Utd kulankii barbaraha ay galeen xalay.
ka dib markii uu u wareegay nidaamkiisa 3-4-3, tababaraha cusub ee reer Portugal ayaa u muqday mid ku dhibtoonayay boosaska qaar.
Amorim waxa uu isku dayayaa in uu United ka dhigo mid kalsooni badan oo kubadda heyn karta, laakiin go,aankaas ayaa u baahan waqti.
Boosaska dhibaatadu ka jirtay
Amad Diallo inkastoo uu caawiyay gool haddana wuu ku dhibtoday inuu ka ciyaaro booska daafaca midig ee kooxda Man Utd, waxa uu ahaa qeyb weyn oo kamid ah qorshaha weerarka United.
Bruno Fernandes iyo Alejandro Garnacho, waa labada ciyaaryahan ee ka dambeeyay weeraryahanka Marcus Rashford, waxaana sidookale garbaha daafaca joogay Diallo iyo Dalot.
Garnacho sida caadiga ah aad uyuu u daalay kadib markii uu bixyay dadaal badan qeybta hore ee ciyaarta, laakiin tani waxay u ahayd door bilow ah waxaana looga baahan yahy ciyaartooyda tamar badan.
Maxay tahay Sababta Amorim Weerarka u xoojiyay?
Sababta Amorim uu u doonayo Garnacho iyo Fernandes in ay boosas badan oo dhexe iyo weerarka kaga sheeqeeyaan ayaa ha inuu rabo in kooxdisa ay hesho Janaalo badan oo weerar ah oo ay goolasha ka imaan karaan.
Dhowr jeer ayay sidaas sameeyeen qaybtii hore ee ciyaarta, waxayna United aheyd mid aad ugu firfircoon weerarka, kana halis badan sidii ay ahaayeen wayihii Erik ten Hag tababare u ahaa kooxda.
Waxaa la filayaa in Amorim uu wax badan ka bedelo kooxdiisa xalay, wuxuuna si aamusnaan u eegi doonaa xaalada iyo sida xal loo heli karo kullamada soosocda.
Nidaam Amorim wuxuu leeyahay faa’iido iyo khasaare
Haddii kooxda United oo aan looga baranay inay ku ciyaaraan 3-4-3, ay isticmaaleen islamarkaana rajo fiican ka keeneen, waxaa muuqda faa,iido.
in Garnacho iyo Fernandes ay ka ciyaaraan boosas saddex ah waxay siineysaa Man Utd abuurista Janaalis badan oo weerarka ah, waxaa muuqatay in daafacyada Ipswich ay ku daaleen xawaaraha ciyaartooyda weerarka Man Utd.
Dhibaatada ama qasaaraha ay shaxdaan leedaha ayaa ah inay labada ciyaaryahan ee khadka dhexe dabooli karin baahida in khadka dhaxe ee kooxda.