Liverpool ayaa u safrtay kooxda dhibtooneysa ee Southampton kulan qeyb ka ahaa Super Sunday Premier League.
Reds ma helin guul sahlan, iyadoo kulan la iska dhaliyay 5 gool ku dheereysatay hogaanka Premier League.
Dominik Szoboszlai ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool daqiiqadii 30aad ee ciyaarta, Hungarian-ka ayaa ka faa,iideystay qalad ka yimid daafaca Southampton daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta.
Laakiin Southampton ayaa kaga jawaabtay goolkaas, laba gool oo ay hogaanka silama filaan ah ugu qabteen, ka hor inta Salah barbareyn oo uusan usaarin kan saddexaad.
Guud ahaan ciyaarta waxay kusoo idlaatay 3-2 oo ay ku badisay Liverpool oo haatan 8 dhibcood hogaanka kaga heysa kooxda kusoo xigta ee Man City.
Waxyaabaha laga bartay ciyaarta waxaa ugu muhiimsanaa laba arin oo aan aragnay inta ciyaartu soctay.
1. Liverpool sidee noqon kartaa la,aanta Salah?
Mo Salah wuxuu heystaa 16 oo isugu jira dhalin iyo caawin kadib 12 kulan oo Premier League uu saftah xilli ciyaareedkan.
Mohamed Salah waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee si toos ah ugu lug yeesha 16 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, 10 gool ayuu dhaliyay 6 caawiyay, taas waxay la micno tahay ninkaa inuu yahay ciyaaryahan fantastik ah oo aysan ka maarmin Liverpool.
Waxa uu sidoo kale dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay PL gool, waana markiisii labaad oo ugu dheer kulamo xiriir ah uu shabaqa gaaro ka dib 7 kulan oo xiriir ah oo uu hore sidaas u sameeyay sanadkii 2021.
Xaalada qandaraaskiisa ayaa ka dhigan inuu ka dhaqaaqo Liverpool dhamaadka xili ciyaareedkaan, hadii aysan isbedel wax badan oo la xiriira heshiiskiisa haatan uu ku joogo kooxda.
2. Maxaya godboon Liverpool?
Slot waa inuu fahmaa muhiimada Salah u leeyahay Liverpool, kulan kasta oo ay kooxdu ciyaarto waa dhaliyaa ama waa caawiyaa waana waxa aan laha helin inta badan garbaha weerarka ee Premier League ka ciyaara.