Ruud van Nistelrooy, oo dhawaan si ku meel gaar ah u ahaa tababaraha Manchester United, ayaa laga yaabaa inuu garoomada ku soo laabto sida ugu dhaqsiyaha badan.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya England, ninka reer Holland ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo seddex kooxood oo Premier League ah oo isbedel tababare kujira.
Crystal Palace, Wolverhampton, iyo Southampton, naadiyada hadda ku jira waqtiyo aan caadi ahayn, waxay indhaha ku hayaan weeraryahankii hore ee Man Utd, iyagoo u arka mid awooda inuu ka shaqeeyo kubada cagta Ingariiska.
Sida laga soo xigtay Football Insider, inkasta oo uusan si buuxda shaqo kaga qaban Old Trafford, haddana wuxuu muujiyay awooda uu u leeyahay inuu ka shaqeeyo horyaalka Ingiriiska.
Saddexda koox ee ka dhisan Premier League, waxay u baahan yihiin tababaraha Dutch-ka kaasoo waqtigisii ku meel gaarka ahaa ee Man Utd wax fiican qabtay.
Ruud van Nistelrooy ayaa hore u sheegay inuu si deg deg ah kaga soo muuqan doono heerka ugu sareeya ee kubadda cagta kadib markii ay iska fasaxday Manchester United.