Qandaraaska cusub ee Pep Guardiola Manchester City wax sharuud ah kuma xirna, sida laga soo xigtay majalada The Guardian ee laga leeyahay UK.
Tani waxay la macno tahay Guardiola inuusan ka tagi doonin kooxda heysata horyaalka Premier League xitaa haddii ay u laabato heerka labaad.
Waxaa jiray xan badan oo la xiriirta mustaqbalka tababaraha Spain ee Etihad, iyadoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka ololahaan.
Laakiin Guardiola ayaa diyaar u ah inuu soo afjaro wararka xanta ah, isagoo qalinka ku duugay heshiis kordhin hal sano ah sida warar hadda soo dhacay ay sheegayaan.
Heshiiska cusub waxa uu leeyahay fursad sanad kale oo dheeri ah oo uu kula sii shaqeyn karo Man City.
Waxaana la sheegay inuusan jirin qodob gaar ah oo lagu jabin karo hehsiiskaan cusub ee la gaaray.
Tani ayaa la micno ah in Guardiola uu xitaa sii joogi doono Man City, haddii lagu helo dambiyada dhaqaale ee loo heysto, kaasoo ay ku muteysan karaan in heerka labaad loo celiyo.
Guardiola ayaa horay u sheegay inuu aad ugu dhowyahay in uu sii joogo City hadii ay la kulmaan xitaa ciqaab adag inkasta oo kooxdu ay marar badan ku celcelisay in aysan wax dambi ah galin isla markaana ay been abuur yihiin dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.