Lyon ayaa la sheegay inay shaacisay qiimaha ciyaaryahanka ay Liverpool ka dhigan karto badalka Mohamed Salah, iyada oo kooxda reer France ay dhaqaale ahaan u dhibaataysan tahay.waxey lyon doonaysaa inay ciyaartoy iibiso si ay u hagaajiso xaaladdooda maaliyadeed.
Salah waa halyeey liverpool, isagoo 221 gool u dhaliyay halka 99 caawin kale ka sameeyay 366 kulan tan iyo markii uu kooxda ku biiray 2017-kii.
Xiddiga reer Masar, oo ku guuleystay horyaalka Premier League iyo Champions League isaga oo la jooga Reds, ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah xilli ciyaareedkan, isagoo 10 jeer shabaqa soo taabtay 17 kulan oo tartamada oo dhan ah oo uu u saftay kooxda uu hogaamiyo Arne Slot.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo qandaraaskiisu dhacayo bisha Juun, Liverpool waxay wajahaysaa dagaal waqti ku saabsan ah si ay ugu qanciso inuu sii joogo ama ay u hesho badal, maadaama uu bilaabi karo wadahadalo la xiriira kooxaha ajaanibka ah bisha Janaayo.
Intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, waxaa soo baxday in Reds ay u diyaar garoobeyso bixitaanka Salah, iyadoo si gaar ah u xiiseyneysa ciyaaryahanka Lyon ee Rayan Cherki.
Haatan, kooxda Ligue 1 ayaa shaacisay qiimaha ay ku iibin karto xiddiga reer France, sida laga soo xigtay wargeyska Foot Mercato.
Waxaa la aaminsan yahay in Lyon ay dalbaneyso lacag u dhaxeysa £25-29 milyan, taasoo ka badan laba laab qiimihii £12.5 milyan ee ay diyaar u ahayd inay ku iibiso xagaagii hore.