Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Joao Felix ayaa u sheegay macalinkiisa Enzo Maresca inuu si fiican u soo bandhigi doono qaab ciyaareedkiisa haddii laga ciyaarsiiyo booska weerarka dhexe.
Felix ayaa Blues ugu biiray heshiis joogto ah oo ku kacay lacag dhan 45 milyan ginni markii uu ka dhaqaaqay Atletico Madrid xagaagii.
Si kastaba ha ahaatee, 25-sano jirkaan way ku adkaatay inuu boos ka helo shaxda tababare Maresca ee Chelsea.
Xilli ciyaareedkan, Felix ayaa kaliya labo kulan u saftay Chelsea isagoo waliba bedel ku yimid horyaalka Premier League.
Laakiin dhinac kale Portuguese-kaan ayaa dhaliyay afar gool seddex kulan oo uu ciyaaray Confrance League, waxaana uu ku soo bilowday labadii kulan ee Carabao Cup kooxdiisa.
Isagoo hadlayay ka dib markii uu dhaliyay goolkii barbaraha ee dalkiisa ciyaartii Croatia ee tartanka UEFA Nations League habeenkii xalay, Felix wuxuu cadeeyay inuu doorbidi lahaa doorka dhexe ee weeraka kooxda Chelsea in laga ciyaarsiiyo.
Wuxuu sheegay “ in booskaas uu kusoo bandhigi karo awoodiisa garoonka “marka aan ciyaarayo sagaal been ah ama No. 10, ama weeraryahanka labaad waa boosaska aan ku raaxeysto “ayuu yiri Joao Felix.