Indha-indheeyihii hore ee Man United iyo Tottenham Mick Brown ayaa u sheegay Football Insider in Gabriel Jesus, Oleksandr Zinchenko iyo Kieran Tierney dhamaantood laga fasaxo safka koowaad ee Arsenal.
Gunners ayaa qarka usaaran in ay dirto Jesus bisha Janaayo, 27 jirkaan wuxuu waayay booskiisa joogtada ah ee kooxda.
Tierney oo 27 jir ah, iyo Zinchenko, oo sidoo kale 27 jir ah, ayaa hadda la sheegay in lagu daray liiska ciyaartooyda suurtagalka ay tahay in ay baxaan xagaaga.
Tierney oo difaaca bidix ka ciyaara ayaa ku guuldareystay inuu hal kulan u safto Arsenal xilli ciyaareedkan ka dib markii uu qeybtii labaad ee sannadkii hore amaah ku tagay Real Sociedad.
Dhanka kale, Zinchenko ayaa muhiim u ahaa Arsenal tan iyo markii uu yimid 2022, laakiin imaatinka Riccardo Calafiori ayaa la sheegay in uu hoos u dhigay awoodiisa kooxda.
Arsenal ayaa isha ku haysa inay kor u qaado xiisaha ay u qabto ciyaartoyda ay suuqa ka dooneyso, laakiin marka hore Arteta waa inuu xal u helaa saddexdaa ciyaartooy in ay ka tagaan kooxdiisa sida uu aaminsan yahay indha indheeyihii hore ee Man Utd Mick Brown.