Mustaqbalka tababare Pep Guardiola ayaa noqday mowduuc hadal hayn badan abuuray, iyadoo kooxda Manchester City ay sugayso jawaabta uu ka bixin doono inuu qandaraaska u kordhiyo sanadkiisii tobnaad.
Guardiola ayaa horay loola xiriiriyay xilka tababarenimada xulka England, kahor inta aanu Thomas Tuchel xilkaasi qaban, hase yeeshee hadda shaki weyn ayaa ka jira halka uu u wareegi doono haddii uu ka tago City.
Wararka ka imanaya Sport ayaa sheegaya in saaxiibkii hore ee Barcelona, Ronaldo Nazario, uu doonayo in Guardiola uu qabto shaqada tababarenimada qaranka Brazil. Ronaldo, oo horay ugu ciyaaray Real Madrid, ayaa dhawaan la hadlay Guardiola, una sheegay in haddii uu noqdo madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Brazil (CBF), uu doonayo in Guardiola uu tababare u noqdo xulka Selecao.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in qorshuhu yahay 2026, iyadoo Ronaldo uu rumeysan yahay in Guardiola uu yahay tababaraha ugu fiican caalamka, kaasi oo dib u soo celin kara sumcadda Brazil.
Guardiola ayaa dhowr jeer hore loola xiriiriyay shaqada tababarenimada Brazil, waxeyna xiriirka CBF la soo xiriireen ka dib koobkii adduunka ee 2022. Inkastoo ay dadaal weyn ku bixiyeen in Carlo Ancelotti uu xilka qabto sanadkii 2023, haddana Ancelotti ayaa doortay inuu sii joogo Real Madrid, taasoo keentay in CBF ay si degdeg ah u magacawdo Dorival Junior. Hase yeeshee, natiijooyinkii uu soo hoyay illaa hadda ma aysan qancin taageerayaasha.