West Ham ma aqbali doonto qiimo dhimis kasta oo lagu sameyn karo xiddiga garabka uga ciyaara ee Mohammed Kudus, sida ay ku warantay caawa majalada Football Insider.
24-sano jirkaan ayaa waxaa doonaya kooxaha Liverpool iyo Arsenal kadib markii 18-kii bilood ee ugu horeyay garoonka London Stadium uu wacdaro dhigay.
Kudus ayaa qandaraaskiisa West Ham waxaa lagu burburin karaa 85 milyan ginni, waana heshiis macquul ah oo ay Liverpool bixin karto xagaaga soo aadan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in West Ham aysan aqbali doonin dalab kasta oo ka hooseeya lacagtaas maadaama ay quus ka taagan yihiin inay sii heystaan xiddiga heerka caalami ee dalka Ghana.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa dhaliyay labo gool, isagoo sidookale hal caawin sameeyay 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Si kastaba, Kudus ayaa kaarka cas loo taagay kulankii Tottenham ee bishii hore, waxaana lagu ganaaxay lix kulan kadib markii uu rabsho ka sameeyay garoonka, taasoo keentay in maqnaanshihiisa ay u dhibtoodaan West Ham.
24-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa garoonka London Stadium wuxuu dhacayaa June 2028, iyadoo West Ham ay heysato fursad ay ku kordhin karto 12 bilood oo dheeri ah.
Liverpool tababaraheeda Arne Slot ayaa baahi badan u qaba ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, waxaana uu doonayaa inuu ka dhigo bedelka Salah oo qadaraaskiisu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkaan.