Xiddiga Lille Jonathan David ayaa noqday ciyaaryahanka ugu badan ee laga raadinayo suuqa kala iibsiga 2025, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Canada uu isku diyaarinayo tartan cusub ka hor ololaha 2025/26.
Inkastoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay isku dayday dhowr jeer inay David ku qanciso qandaraas cusub oo uu kusii joogayo Stade Pierre-Mauroy, haddana waxa la filayaa inuu baxo marka uu qandaraaskiisu dhaco bisha June.
David wuxuu xiiso ka heystaa kooxaha ugu waaweyn Yurub oo dhan, iyadoo wadahadalo ku saabsan sidii ay ku qaadan lahaayeen la bilaabeen wakiilkiisa.
In kasta oo lala xiriirinayo kooxo badan oo ka dhisan Premier League, oo ay weheliso kooxda awoodda leh ee Bundesliga ka ciyaarta ee Bayern Munich, David wuxuu hoos u dhigay sheekooyinka xanta ah ee suuqa, isagoo waqti hore doortay kooxdiisa riyada ee uu doonayo inuu u dhaqaaqo.
Weerayahanka dhaliyay 97 gool 202 kulan oo uu u saftay Lille ayaa muujiyay awoodiisa gaarka ah kadib goolkii guusha ee uu ka dhaliyay Real Madrid bishii October.
Xiligaas wuxuu soo afjaray 53 kulan oo kooxda Carlo Ancelotti aan laga badin tartanka yurub ee Champions League.
Weeraryahanka ayaa markale wadnaha jaray jamaahiirta Rea Madrid isagoo doortay inuu ku biiro kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona, oo uu sheegay in ilaa yaraantiisii uu ku riyoon jiray inuu u ciyaaro.
Barcelona had iyo jeer waxay ahayd kooxdii aan ku soo koray taageeradeeda, markaad ku korto inaad taageerto koox, waa riyadaada inaad u ciyaarto”, ayuu u sheegay wargeyska The Athletic.
Barcelona ayaa awod uleh inay beeca xorta ah ku qaadato weeraryahankaan marka uu dhaco qandaraaskiisa Lille dhamaadka xili ciyaareedkaan.