Weeraryahanka Al-Hilal, Neymar ayaa qarka u saaran inuu si cajiib ah ugu laabto kooxdiisii hore ee Santos ee ka dhisan dalka Brazil.
Sida laga soo xigtay saxafiga la ixtiraamo ee reer Brazil, Cesar Luis Merlo, Neymar wuxuu diyaar u yahay inuu ku laabto oo uu u saxiixo kooxdiisii hore ee Santos.
Merlo ayaa intaa ku daray in heshiis uu dhex maray xiddiga 32 jirka ah iyo Santos kaas oo lagu soo afjarayo heshiiskiisa Al-Hilal oo aad qaali u ah.
Neymar waxa uu soo maray safka Santos isagoo yar, wuxuu u saftay kulankiisii ugu horeeyay 2009kii.
Waxa uu u dhaliyay 107 gool 177 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Brazil ka hor inta uusan 2013 Ku biirin kooxda Spain ee Barcelona.
Neymar ayaa ku biiray Al-Hilal 2023 ka dib markii uu ka tagay Paris Saint-Germain, laakiin tan iyo markii uu tagay Sacuudiga wuxuu la dhibtoonayay dhaawacyo.
Xiddigii hore ee Barcelona ayaa kaliya saddex kulan u ciyaaray kooxda Saudi Arabia ka dhisan, isaga oo sanadkii hore dhaawac ACL ah la maqnaa.