Xilli ciyaareedkii hore, Real Madrid ayaa xaqiijisatay ku guuleysiga La Liga iyo Champions League, iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu u ahaa horyaalkii shanaad ee Yurub ee uu hanto.
Sameynta taariikh noocaan ah, waxay inta badan kuu ogolaaneysaa inaad amaan badan heshid, laakiin tani waa Real Madrid, umana lahan dulqaad qaab ciyaareedka liita.
Hadda, Los Blancos ayaa fadhida kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, iyadoo lix dhibcood ka dambeysa kooxda hoggaanka horyaalka heysa ee Barcelona, iyadoo kulan baaqi u yahay.
Tartanka Champions League, waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita, iyagoo guuldarooyin naxdin leh kala kulmay kooxaha Lille iyo AC Milan, taasoo keentay inay u dhacaan kaalinta 16aad ee kala sareynta.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Germany, maamulaha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa soo jiitay kooxda 15-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Yurub.
Alonso ayaa Leverkusen ku hogaamiyay in ay ku guulaysato horyaalka Bundesliga iyada oo aan laga badin xilli ciyaareedkii hore, DFB-Pokal, iyo sidoo kale Europa League ayuu gaaray Final.
Sida laga soo xigtay Football Espana, kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa marka ay ku dhawaaqdo tababare Xabi la saxiixan karta Trent Alexander-Arnold, Jonathan Tah, iyo Alphonso Davies – oo dhamaantood beeca xorta ah lagu heli karo.
Arinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha deg dega ah ee dib udhiska kooxda Real Madrid uu u qorsheeyay sanadka 2025 madaxweyne Prez.