Waxaan Ka Tagay Arsenal Inkastoo Aan Lahaa Heshiis £20m Ah – Mana Qoomameynayo
Willian oo wakhti adag ku qaatay Arsenal ayaa ka tagay kooxda, isagoo iskaga tanaasulay mushaar la sheegay inuu gaarayay £20 milyan kadib markii heshiiskiisa la kansalay bishii Agoosto 2022.
Xiddigii hore ee Arsenal iyo Chelsea, Willian, oo haatan u ciyaara kooxda reer Giriig ee Olympiacos, ayaa ka hadlay qorshihiisa ah inuu noqdo wakiil ciyaartooy kadib markii uu arkay sida sahlan ee xirfadaha ciyaartooyda loo burburin karo. Laacibkan khibradda leh ee reer Brazil ayaa doonaya inuu ka caawiyo ciyaartoyda da’yarta ah inay ka fogaadaan caqabadaha caanka ah ee kubadda cagta.
Wareysi daah-furan oo uu siiyay Daily Telegraph, Willian ayaa uga digay ciyaartoyda dhibaatooyinka laga dhaxlo talo xumada:
“Waxaad burburin kartaa xirfaddaada iyo noloshaada haddii aadan haysan dad wanaagsan oo kuu sheegaya runta mar walba.”
Sidoo kale, wuxuu muujiyay walaaca uu ka qabo xiddigaha da’yarta ah ee saameynta badan ku dhici karta:
“Ciyaartoyda da’yarta ah waa inay taxaddaraan… Kubadda cagta, wax walba way kuu fududaan karaan; lacag, waxaad rabto oo dhan, qof walba wuxuu rabaa inuu saaxiib kula noqdo. Waxaan had iyo jeer ka walwalaa waxa ka dhacaya banaanka garoonka. Waxaa laga yaabaa inaad 15 sano ku dhisto noloshaada, si wanaagsan u maalgeliso lacagtaada, kadibna shan daqiiqo gudaheed ay burburto.”
Isagoo dib u milicsanaya waayihiisii dhibka badnaa ee Arsenal kadib markii uu kaga soo biiray Chelsea sanadkii 2020, wuxuu shaaca ka qaaday sida uu naftiisa ugu huray in uu heshiiska si horudhac ah u kansalo:
“Markii aan ka tagayay Arsenal, qof walba wuu ogaa inaysan wanaagsaneyn. Waxay ii ahayd sanad adag. Waxaan go’aansaday inaan ka tago, waqtigaasna waxaan weli heystay laba sano oo qandaraas ah, laakiin waxaan u sheegay kooxda; ‘Dhageysta, aan joojino heshiiska. Waxba uma socon sidii aan rabnay.’”