Toni Kroos ayaa soo jeediyay inuu dib ugu laaban karo Real Madrid mustaqbalka.
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Real Madrid, Toni Kroos, ayaa sheegay inuu u furan yahay inuu mustaqbalka ku soo laabto kooxda reer Spain si uu uga shaqeeyo howlo kale.
Halyeeyga reer Jarmal ayaa howlgab noqday dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore. Kulankiisii ugu dambeeyay ee uu u safto Madrid waxa uu ahaa ciyaartii finalka Champions League ee ay ku guuleysteen, taas oo ay kaga adkaadeen Borussia Dortmund garoonka Wembley.
Xulka Spain oo ugu dambeyntii ku guuleystay Euro 2024 ayaa reebay Germany oo uu Kroos u ciyaarayay bishii May, tan iyo markaasna 34-jirkan kuma soo laaban kubadda cagta.
Si kastaba ha ahaatee, guuleystaha Koobka Adduunka 2014 ayaa shaaca ka qaaday inuu u furan yahay inuu mustaqbalka ka shaqeeyo Real Madrid, isagoo ka hadlayay qeybtii ugu dambeysay ee barnaamijka uu la qabto walaalkiis Felix, Einfach mal Luppen. Wuxuu yiri:
“Hadda waxaan si buuxda ugu mashquulsanahay mashaariicda aan wado, laakiin marka loo eego xiriirka dhow ee aan la leeyahay Madrid, xiriirka qoto dheer ee aan la leeyahay Madrid, marna ma diidi doono inaan mar uun wax ka qabto kooxda mustaqbalka.”
Kroos, oo toban sano ku qaatay caasimadda Spain kuna guuleystay 22 koob oo waaweyn oo ay ku jiraan shan Champions League, ayaa sii raaciyay:
“Macnaha Real Madrid waligeed igama dhamaan doonto,” ayuu ku yiri podcast-ka. “Waxay ahayd waqti dheer, oo weyn, guul leh, sidoo kale waqti jacayl ah oo aan ku qaatay Real Madrid.
“Waligeed sidaas ayay ahaan doontaa, waxaan had iyo jeer u dhowaan doonaa Real, shakina kama taagna taas. Waxaan mar walba difaaci doonaa Real, mar walba dhinaceeda ayaan ahaan doonaa. Tani isma beddeli doonto, xiriirku aad ayuu u qoto dheer yahay.”
In kasta oo uu si cad u muujiyay sida uu ula socdo kooxdiisii hore, Kroos oo dhawaan fadhiistay ayaa uga digay taageerayaasha in uusan weli diyaar u ahayn inuu ku soo laabto Bernabeu.
“Malaga yaabaa inaad kasoo muuqato kooxda?” ayuu la weydiiyay. “Waxa ugu horreeya ee aan dhihi lahaa waa maya, si kasta oo aan ugu dhowahay kooxda.
“Laakiin ma dhihin inaanan mar dambe wax xiriir ah la yeelan doonin Real Madrid nolosheyda, dabcan ma diidi doono. Kaalin noocee ah, ma garanayo.”