Xiddiga Arsenal Gabriel Martinelli oo magac dhabay labada daafac ee ugu adkeyd ee uu ka hor imaado intii uu ku sugnaa horyaalka Premier League-ga.
Weeraryahanka Arsenal, Gabriel Martinelli, ayaa xushay Kyle Walker oo Manchester City ka tirsan iyo Ibrahima Konate oo Liverpool u ciyaara inay yihiin labada daafac ee ugu adag ee uu la kulmo marka uu ciyaarayo Premier League.
Martinelli, oo 23 jir ah, ayaa ku guda jira xilli ciyaareedkiisii lixaad ee Arsenal, waxaana uu inta lagu jiro mudadaas wajahay qaar ka mid ah daafacyada dhexe ee loogu qiimeynta badan yahay kubadda cagta caalamka.
Martinelli ayaa wajahaya tartamo kale oo xiiso leh xilliga jiilaalka, waxey gurigooda ku wajahayaan kooxda Nottingham Forest ee uu hoggaamiyo Nuno Espirito Santo muddo 10 maalmood gudahood ah.
Arsenal oo aan ku jirin qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ayaa laga yaabaa inay ku faraxdo nasashada fasaxa caalamiga ah kadib muddo adag, iyadoo kooxda Mikel Arteta ay kaliya ku guuleysteen labo ka mid ah toddobadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Markii la weydiiyay daafacyada Premier League ee uu ku dhibtoodo inuu dhaafo, Martinelli wuxuu ku jawaabay: “Waxay noqonayaan Walker iyo Konate oo ka kala City iyo Liverpool. Labadooduba way adag yihiin in la dhaafo.”
Markii wax laga weydiiyay xeeladdiisa marka uu la kulmo daafacyadan, Martinelli wuxuu raaciyay: “Waa dareen, waxaan kaliya eegaa sida ay iigusoo degdegaan iyo sida jidhkoodu yahay, ka dibna waxaan isku dayaa inaan sameeyo wixii aan sameeyn karo, waxaana isku dayo inaan dhaafo.”