Erik ten Hag oo laga hor istaagay inuu si degdeg ah tababarenimada ugu soo laabto kadib markii ay kooxda weyn ee Yurub magacawday macallin cusub.
Erik ten Hag ayaa laga ceyriyay Manchester United ku dhawaad saddex toddobaad ka hor, inkastoo tababaraha reer Holland uu rajaynayay inuu si degdeg ah ugu soo laabto shaqada maamul ee heerka sare ee Serie A.
Tababarihii hore ee United ayaa si dhakhso ah ugu soo baxay mid ka mid ah musharrixiinta shaqada Roma, kadib markii kooxda Talyaaniga ay shaqada ka cayrisay Ivan Juric. Tababaraha reer Croatia ayaa la magacaabay bishii Sebtember si uu u beddelo Daniele de Rossi, balse wuxuu guuleystay kaliya afar ciyaarood oo ka mid ah 12-kii kulan ee uu maamulayay.
Taasi waxay Roma ku kalliftay inay baadi-goobaan tababare saddexaad xilli ciyaareedkan, waxaana Ten Hag loo arkaayay inuu yahay xulasho macquul ah.
Mas’uuliyiinta Roma oo dabagal ba’an ku hayay Ten Hag ayaa daqiiqado gudahood ku beddelay qorshahooda markii ay ogaadeen in Ten hag yahay tababare ku saleeya dooqa ciyaartooydiisa eex iyo rabitaan shaqsiyadeed.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Serie A ayaa taa beddelkeeda ka soo saartay Claudio Ranieri hawlgabnimada, iyagoo markale magacaabay inuu noqdo tababarahooda.
Tababaraha 73-jirka ah ayaa ku dhawaaqay inuu hawlgab ka noqday kubadda cagta bishii May kadib markii uu ka caawiyay Cagliari inay ka badbaadaan iney u laabtaan heerka labaad. Balse fursadda uu markale u tababari karo kooxda magaaladiisa ayaa u muuqatay mid uu diidi kari waayay.
Wuxuu horey u soo maamulay Roma intii u dhaxaysay 2009 iyo 2011, isagoo ku hoggaamiyay kaalinta labaad xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.
Roma ayaa rajeyneysa inuu isbedel ku sameeyo xilli ciyaareedkan, ka hor inta aysan go’aansan inay helaan beddelka mustaqbalka fog.