‘Waxaan ka arkay xiddig Arsenal ah wax caddeynaya in Liverpool ay leedahay daafaca ugu fiican Premier League.’
Liverpool ayaa la ciyaartay Arsenal dhowr toddobaad ka hor horyaalka Premier League, waxaana hal loollan oo ciyaarta ka dhacay uu muujiyay sida uu horumar weyn u sameeyay Ibrahima Konate, sida uu sheegay xiddigii hore ee Arsenal, William Gallas.
Daafacii hore ee Arsenal William Gallas ma aaminsana in William Saliba ama Gabriel Magalhaes uu yahay daafaca ugu fiican Premier League, isagoo rumeysan in cinwaankaasi uu u qalmo Ibrahima Konate oo Liverpool u ciyaara.
Konate ayaa xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ku bilowday kursiga kaydka, laakiin wuxuu safka hore uga soo muuqday dhammaan kulammada horyaalka iyo Champions League-ga ee Liverpool tan iyo toddobaadkii ugu horreeyay horyaalka, isagoo sameeyay iskaashi adag oo uu la leeyahay kabtanka Reds, Virgil van Dijk.
25-jirkan ayaa Liverpool ku soo biiray July 2021, wuxuuna ahaa xiddig aan boos heysan, laakiin hadda wuxuu isu muujiyay inuu yahay xiddig joogto ah oo safka hore ka tirsan.
“Wakhtigaan la joogo, waxaan u maleynayaa in daafaca ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan uu yahay Ibrahima Konate,” ayuu Gallas u sheegay Prime Casino.
“Horumar ayuu sameeyay. Aad buu u adag yahay. Laakiin waxaan arkay qaar ka mid ah ciyaaraha uu ciyaaray hadda, waxayna u muuqataa in qofna uusan doonayn inuu la kahor yimaado. Markaad leedahay jidhkaas, jooggaas, waa wax weyn oo daafac leeyahay.
“Waxaan hubaa in badankood weeraryahanada ama garbaha aysan rabin inay isaga ka hor tagaan. Ma doonayaan inay la tartamaan Konate. Markii Liverpool ay ku ciyaareysay Emirates, Martinelli ma doonayn inuu ka hor imaado konate. Wuxuu hore u ogaa inuu lumin doono loollankaas. Haddii Konate uu sidan ku sii wado, wuxuu noqon doonaa kan ugu fiican dunida. Waxaana lagu dari doonaa 11-ka ugu fiican Premier League ee sanadka.”