Madaxa garsoorayaasha Premier League, Howard Webb, ayaa qiray in West Ham United ay si qalad ah rigoore ugu heshay aalada garsooraha caawisa ee Video Assistant Referee, VAR, kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Manchester United.
Guuldarada ayaa ugu danbeyn keentay in shaqada laga ceyriyo tababare Erik ten Hag oo hogaaminayay Red Devils.
Daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta oo aheyd barbaro 1-1 ah, Matthijs de Ligt ayaa xerada ganaaxa dhexdeeda waxay isku arkeen Danny Ings oo ku dooday in qalad lagu sameeyay.
Garsoore David Coote ayaan waxba kasoo qaadin qeylada labada ciyaartooy markii hore, laakiin waxaa lagula taliyay inuu dib u eego qalabka garoonka yaala ee VAR, oo uu fadhiyay Michael Oliver.
Ugu danben Rigoore lagu abaalmariyay West Ham, waxaa gool u bedelay Jarrod Bowen oo ka cawiyay in Hammers ay kaga badiyaan 2-1 Man Utd.
Ten Hag ayaa maalintii xigtay shaqada laga eryay, guuldarrada naxdinta leh ee kasoo gaartay West Ham darteed.
Isagoo ka hadlayay arintaan madaxa garsoorayaasha England ee Webb wuxuu yiri: “waxaan u maleynayay inay ahayd qalad ay arkeen VAR, laakiin garsooraha waxaa si gaar ah loogu wacay inuu arko waxa dhacay.
De Ligt wax qalad ah kuma galin Danny Ings, kubada labada dhinac si caadi ah ayay u dhaaftay, waana waxa ay aheyd inuu garsooraha arko ee loogu yeeray, laakiin nasiib darro waxaa la dhigay rigoore.
Webb wuxuu yiri” waxaan u maleynayaa in garsooraha VAR uusan qalad laheyn, waxay aheyd garsooraha gudaha inuu si fiican u arko waxa dhacay, laakiin hal dhinac kaliya ayuu fiiriyay taasoo keentay inuu qaato go,aan qaldan.
Qaladaadka garsoorka iyo musuqa hareynaya kubadda cagta England ayaa soo ifbaxay todobaadkaan, kadib markii isla garsoorahaan lasoo dhigay baraha bulashada muuqaal uu aflagaado u geysanayo tababarihii hore ee Luverpool Klopp.