Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta ayaa furay cabsida ugu weyn ee uu ka qabo kooxdiisa oo xaalad tii ugu xumeyd ku jirta.
Arsenal ayaa hadda ku dhibtoonaysa sidii ay u heli lahayd isku dheelitirnaan, iyadoo dhaawacyo ay hareeyeen kooxda Mikel Arteta.
Kabtanka kooxda, Martin Odegaard ayaa hadda ku soo laabtay Gunners ka dib bilo uu garoomada ka maqnaa dhaawac dartii.
Waxa uu ciyaaray kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Chelsea Axadii halka ciyaartoyda muhiimka ah Declan Rice iyo Bukayo Saka la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen isla ciyaartaas.
Riccardo Calafiori ayaa weli maqan isagoo doonaya inuu dib u helo taam ahaanshihiisa ka dib dhaawac jilibka kasoo gaaray.
Dhibaato ayaa na haysata, Cabsida ugu weyn ayaa ah inaan heysan ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.
Uma ciyaari karaan xiddigaha qaar 90 daqiiqo si wanaagsan,” Arteta ayaa u sheegay saxaafada caawa.
Waxaan si buuxda ugu kalsoonahay inaan heli doono xilli ciyaareed wanaagsan.” balse hadda xaalkeena ma fiicna waxaan u baahanahay isku dheeli tir.