Lamine Yamal ayaa seegay kulanka Barcelona ay la ciyaareyso Real Sociedad ka dib markii uu soo gaaray xanuun yar sida kooxda xaqiijisay goordhaw.
Yamal ayaa laga saaray kooxda Barcelona ee la ciyaareysa Real Sociedad caawa.
Barcelona ayaa xaqiijisay in 17-sano jirkaan ay soo gaartay dhibaato dhaawac ah kulankii ay 5-2 kaga badiyeen Crvena zvezda taryanka Champions League Arbacadii.
Tababaraha Barcelona oo saxaafada la hadlay goordhaw wuxuu sheegay in Yamal uusan awoodin safarka kooxda inuu qeyb ka noqdo sidaas darteed looga saaray kulanka caawa.
Wali wax faahfaahin deeraad ah lagama hayo inta uu la egyahay dhaawaca wiilka ugu muhiimsan waqtigaan Barcelona, balse waxaa la sugayaa saacadaha soo socda in warbixin caafimaad ay soo saarto Catalan.