Real Madrid ayaa laga yaabaa inay u weecato tababarahoodii hore haddii Ancelotti la ceyriyo.
Real Madrid ayaa la daalaa dhaceysa xaalad aysan horey u arag, iyadoo ay labo guul-darro oo xanuun leh kala kulmeen kooxaha FC Barcelona iyo AC Milan labadoodii ciyaar ee ugu dambeeyay.
Xaaladdu uma muuqato mid wanaagsan marka loo eego tababare Carlo Ancelotti, inkastoo ay jirto kalsooni ah in macallinka Talyaaniga uu wax ka baddali karo kooxda, haddana waxay u baahan yihiin dheelli-tirnaan xooggan iyo horumar degdeg ah oo natiijooyin ah, haddii kale shaqo ka ceyrinta Ancelotti ayaa la filan karaa.
Xabi Alonso ayaa lala xiriiriyay inuu yahay musharraxa ugu cadcad ee la wareegi kara xilka Ancelotti, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan suurto gal noqon in tababaraha Bayer Leverkusen la keeno Los blancos.
Sidaas darteed, Real Madrid waxay u muuqdaan inay aqoonsadeen beddelo kale oo la wareegi kara haddii ay qasab noqoto in ay ceyriyaan Ancelotti usbuucyada soo socda.
Sida ay ku warameyso SPORT, magaca Zinedine Zidane ayaa markale kusoo laabtay liiska tababareyaasha ee Real Madrid haddii xaaladdu aysan soo hagaagin ciyaaraha soo socda.
Xiddigii hore ee khadka dhexe ayaa labo jeer si guul leh u soo maamulay kooxda Los Blancos, waana qofka uu madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu u weecdo xilliyada ay jiraan dhibaatooyin – sida uu sameeyay xilligii Rafael Benitez iyo Santiago Solari.