Waxaan u saxiixay Newcastle United si “khalad ah” – Waxaan ku biiri lahaa Arsenal ama Leeds United.
Kieron Dyer ayaa sharraxaad ka bixiyay sida uu ugu biiray Newcastle United isaga oo ka soo wareegay Ipswich Town sanadkii 1999.
Dyer wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii da’da yaraa ee sida weyn loo raadinayay kubadda cagta Ingiriiska, kadib markii uu soo shaac baxay isagoo u ciyaaraya Ipswich iyo xulka da’yarta England. Laakiin markii Ipswich ay ku guuldarreysatay inay u soo baxdo Premier League-ga iyagoo ka soo bixi waayay ciyaaraha kala baxa, kooxo badan ayaa u dhaqaaqay inay la wareegaan.
Newcastle oo bixisay £6.5 milyan ayaa u suurto gashay inay kaga hormaraan kooxaha kale sida Arsenal, Leeds United, iyo West Ham United si ay u helaan saxiixa Dyer. Laakiin markaa isagoo 20 jir ah, Dyer wuxuu dareemay inuusan awood badan u lahayn inuu beddelo go’aanka.
“Newcastle ma ahayn doorashadayda koowaad, waxay bixiyeen in kabadan lacagtii Arsenal,” ayuu u sheegay Open Goal. “Waxay ahayd £6.5 milyan.
“Haddii aan ogaan lahaa waxa aan ogahay hadda iyo dhammaan tababarayaashii aan la hadlay, waan ogahay in Arsenal ay dooneysay inay ii ibsato in aan uga ciyaaro daafac midig, Harry Redknapp wuxuu ku ciyaarayay saddex difaac [West Ham United] wuxuuna ii arkaayay inaan noqdo daafac midig ka ciyaara, markaa Ruud Gullit [Newcastle] iyo David O’Leary [Leeds] waxay i arkaayeen inaan ahay ciyaaryahan khadka dhexe ka ciyaara.”