Lionel Messi ayaa ka hadlay fursadaha uu ku aadayo Koobka Adduunka 2026: Ma ciyaari doonaa Koobkiisa Lixaad?
Tan iyo Juun 2023, Lionel Messi wuxuu ka tagay kubadda cagta Yurub kadib markii uu ka tagay PSG una wareegay Inter Miami, halkaas oo uu xiddiga reer Argentina noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee MLS.
Wareysi uu siiyay 433, Messi ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka mid noqdo Koobka Adduunka ee soo socda, laakiin weeraryahanka Inter Miami wuxuu doonayaa inuu caafimaad qab ku sii jiro, sidaas darteed wuxuu rabaa inuu si tartiib ah ugu sii ciyaaro MLS.
“Way badan yihiin dadka ii weydiiyay tan, gaar ahaan reer Argentina. Waxaan rajeynayaa inaan sannadkan si wanaagsan ku dhammeeysto oo aan helo pre-season wanaagsan, taas oo aan helin sanadkii hore sababo la xiriira safarro badan oo aan galay. Markaa kadib ayaan eegi doonaa sida aan dareemayo.”
Messi wuxuu dhaawac ka soo gaaray finalka Copa America, taas oo ka reebtay garoomada muddo laba bilood ah, sidaas darteed xiddiga ka soo jeeda Rosario wuxuu doonayaa inuu si tartiib tartiib ah ku socdo si uu u gaaro 2026 iyada oo uusan qabin dhaawacyo halis ah.
“Kama fikirayo. Wali waa waqti dheer oo waxyaabo badan ayaa kubadda cagta ka dhici kara. Maalin walba ayaan waa bariistaa anigoo aan mustaqbalka fog fiirin.”