Weeraryahankii hore ee Manchester United, Michael Owen, ayaa magacaabay saddexda ciyaaryahan ee ay tahay inuu boos rasmi ah kasiiyo kooxda maamulaha cusub ee Ruben Amorim marka uu qabto shaqada.
Amorim ayaa xilka Red Devils qaban doona November 11 ka dib markii loo magacaabay bedelka Erik ten Hag.
Bortuqiisku wuxuu door bidi doonaa inuu ciyaaro nidaamka 3-4-3 oo inta badan xirfadiisa tababare uu isticmaalayay.
Isagoo hadlayay Owen wuxuu sheegay inuu rajeynayo Amorim inuu awood u yeesho xilinta shaxdaas.
Wuxuu farta ugu fiiqay saddex ciyaartooy oo ay tahay inuu u adeegsado qeybta difaaca kooxda Man United.
Owen ayaa yiri” Matthijs de Ligt, Lisandro Martinez iyo Leny Yoro waa inuu ka dhigtaa saddexdiisa daafac ee gaarka ah marka uu shaqada la wareego Ruben Amorim.
“Waxaan u maleynayaa inay taasi guulo deg deg ah ku sameyn karo ayuu yiri falanqeeye Owen.
De Ligt iyo Martinez waa daafacyo dagaal badan, waxay awood u leeyihiin in ay ka hortagaan weeraryahanada, sidaa darteed ciyaaryahanka la wadaagi kara difaaca wuxuu noqon karaa Yoro oo ah nin dhalinyaro ah oo degan” Owen ayaa yiri.