Dhaqtarka Real Madrid ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uusan ahayn ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu la soo shaqeeyay, waxaana uu u magacaabay saaxiibkiis.
Inkasta oo uu 22 sano ka soo ciyaaray heerka sare ee kubadda cagta haddana Ronaldo ayaa wali ka ciyaara kaalin muuqata isaga oo wali wacdaro ka dhigaya kooxda Saudi Pro League ee Al Nassr.
Laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or, waxa uu ku adkaystay inuu sii wado jimicsiga heerka sare ee xirfadiisa ciyaareed, oo ay ku jirto intii lagu jiray bandowgii Covid-19 markii uu soo xaadiray tababarka Juventus afar saacadood ka hor.
Jaceylka uu Ronaldo u qabo jimicsiga ayaa ku sii fidaya dhamaan noloshiisa qayb ka mid ah, maadaama laftiisa uu qirtay inuu ka cadhoodo marka uu arko wiilkiisa oo cunaya cunto qallafsan, cabbayana sharaabka fudud.
Laakiin inkasta oo uu qaab ciyaareed cajiib ah soo qaatay, Jesus Olmo, oo si dhow ula soo shaqeeyay xiddiga Real Madrid, ayaa aaminsan in Gareth Bale uu yahay ciyaartoy dhamaystiran.
“Dhabtii ciyaartoygii ugu fiicnaa ee aan arkay waa Gareth Bale,” Olmo ayaa u sheegay majaladda Isbaanishka ee Ideal 2020.
“Waa ciyaaryahan dabiici ah oo awood u leh inuu ku fiicnaado ciyaar kasta. Waxa uu leeyahay hidde-side aan caadi ahayn iyo awood ciyaareed heer sare. sidoo kale wuxuu leeyahay awood farsamo aan caadi aheyn.
“Isaga waa kan i cajab geliyay dhinac walba, inkastoo markaas ay jiri karto hoos u dhac, taasoo ku timid duruufo kala duwan”.