Daafacii hore ee Manchester United Rio Ferdinand ayaa qiray in Red Devils aysan waligeed horumari doonin inta ay iibinayaan Jonny Evans oo kale.
Ferdinand ayaa yiri” Evans wuxuu ahaa ‘difaaca ugu fiican Man United markii uu ka tagay Old Trafford.
Evans waxa uu ku dhawaad toban sano ku qaatay Man United intii lagu jiray waqtigiisii hore wuxuu ahaa mid xariif ah oo aad u fiicnaa” ayuu yiri Fardinand.
Waxa uu saftay 198 kulan waxana uu ka caawiyay United in ay ku guulaysato saddex horyaal oo Premier League ah.
Si kastaba ha ahaatee, Evans ayaa hoos u dhac ku yimid xilligii uu hogaaminayay kooxda Man Utd tababare Louis van Gaal.
36-sano jirkaan ayaa markii dambe looga iibiyay West Brom 8 milyan ginni sanadkii 2015-kii
Daafaca Waqooyiga Ireland ayaa dib ay ula soo saxiixatay Man Utd isagoo 35 jir ah xagaagii 2023.
“Waxay ahayd inuu 12 sano oo kale ku qaato Manchester United,” Ferdinand ayaa u sheegay saxaafada.
Isla markii ay iibiyeen waxaan ku iri, ” Sidee ugu ogolaanogolaann inuu baxo daafac noocaan ah, waxaa la dhihi karaa waa daafacii ugu fiicna kooxda waqtigiisii.
Sidoo kale waxa uu lahaa khibrad ka badan Phil Jones iyo Chris Smalling. ma ogolaan laheyn nuu baxo qof noocaas oo kale haddii aan maamulka Man Utd ahaan lahaa.