Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Manchester United Mourinho ayaa aaminsan in kooxdiisu ay u dhibtootay go’aamo garsoore markii ay u dagaalamayeen guul 3-2 ah oo ay ka gaaraan kooxda Trabzonspor oo lagu abaalmariyay laba rigoore.
Ka hor inta uusan Sofyan Amrabat dhalin goolka guusha daqiiqadii 12aad ee waqtigii dhimashada ee ciyaarta lagu daray, Mourinho wuxuu u muuqday mid aad u careysan.
“Garsooruhu waxa uu ahaa wiil yar” ayuu yiri Jose Mourinho oo si caro leh uga hadlay go,aanada VAR, Mourinho wuxuu ku kaftamay inaanu ku biiri lahayn Fenerbahce haddii ay kooxdu u sheegi laheyd runta oo dhan” oo uu ula jeedo garoorayaal caruur ah inay ka shaqeeyaan Turkiga.
Inkastoo Mourinho uu aad u dabaal deggay dhamaadka ciyaarta, wuxuu aad ula dhacay qaab ciyaareedka ciyaartooydiisa.
Mourinho ayaa sheegay in si buuxda uusan ugu warqabin dhibaatada garsoore ka hor inta uusan la heshiin kooxda ka dhisan istanbul.
“Waxaa jiray wax badan oo la ii sheegay inta aan iman ka hor. Maan rumaysan. Laakiin hadda waxaa muuqata in dhibaatooyin badan oo garsoore halkaan ka jiraan.
Wuxuu ku celceliyay in kooxidisa Runta oo dhan aysan u sheegin, haddii aan sidaan ogaan lahaa ma imaan laheyn halkaan” ayuu yiri isagoo qoslaya Mourinho!