Kadib markii uu bedelay Jürgen Klopp, Arne Slot waxa uu u muuqdaa mid tir tiraya dhamaan dhaxalkii uu u reebay Liverpool tababarahaha Jarmalka.
Wax kasta kuma qiimeyn karno kaliya 10 kulan oo horyaalka ah, laakiin Slot ayaa si cajiib ah ku bilowday nolosha Anfield, oo hadda wuxuu leeyahay rikooro la taaban karo oo uu xitaa Klopp sameynin, xitaa qaarkood majiro tababare taraiikhda Liverpool soo maray oo sameeyay.
Markii ay 2-1 kaga badiyeen gurigooda Brighton & Hove Albion xalay, Liverpool ayaa loo diiwan galiyay guusheedii sideedaad 10-kii kulan ee ugu horeyay Premier League xilli ciyaareedkan (1-barbaro iyo 1 guul darro kaliya ayay la kulmeen).
Sideeda guulood ee Slot uu gaaray waa tiradii ugu badneyd ee uu gaaro tababare Liverpool ah 10-kiisa kulan ee ugu horeeya kooxda.
Slot wuxuu ka yimid Feyenoord xagaagii hore, inkastoo uu xusay dhowr jeer sida ay u adag tahay in la badiyo kulan kasta oo Premier League ah, haddana uma eka mid ay wax walba ku adag yihiin.
Macalinka reer Holland ayaa guulo ka gaaray Ipswich Town, Brentford, Manchester United, Wolves, Bournemouth, Crystal Palace, Chelsea iyo Brighton, halka shanta dhibcood ee ka maqan uu ku lumiyay Nottingham Forest iyo Arsenal
Qaybta cas ee gobolka Merseyside, waxaa soo maray tababarayaasha ugu caansan kubadda cagta sida Bill Shankly, Bob Paisley, Joe Fagan, Kenny Dalglish, Gérard Houllier, Rafael Benitez iyo Klopp, midkoodna kuma guuleysan sideed ka mid ah 10kii kulan ee ugu horeyay horyaalka.
Waa magac yar oo aan caan aheyn William Connell, Slot ayaa jabiyay rikoorkiisii todobo guulood oo uu gaaray 10-kii kulan ee ugu horeeyay ee uu hogaamiyo 100 sano ka hor Liverpool.
Kooxda Slot ee Reds ayaa badisay sideed kulan, hal barbaro iyo hal guuldaro ayay heleen,waxana ay dhaliyeen 19 gool waxaana laga dhaliyay lix gool.
Lix ka mid ah macalimiintii hore ee Liverpool ayaa badiyay lix ka mid ah 10-kii kulan ee ugu horeeyay horyaalka waana David Ashworth, Paisley, Fagan, Dalglish, Graeme Souness iyo Houllier.
Klopp ayaa yimid labo bilood markii uu socday xilli ciyaareedkii 2015-16 isagoo lagu bedelay Rodgers, wuxuu badiyay kaliya afar ka mid ah 10kii kulan ee ugu horeeyay Premier League (3 barbaro iyo 3 guul darro ayuu la kulmay). Rikoorkiisa ayaa wax yar ka wanaagsanaa Roy Hodgson kaasoo shaqada laga ceyriyay 2010 ka dib 20 kulan oo horyaalka ah oo uu hogaaminayay Reds.
Su’aasha ugu weyn waxay tahay Slot ma raaci karaa wadadii Klopp ee guulaha Liverpool? Taasi hadda lagama jawaabi karo, laakiin arrimihiisu waxay u muuqdaan kuwo hagaagsan.