Alexander Isak ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Arsenal looga badiya kulankii horyaalka Premier league ay ku wajaheen Newcastle garoonka St James’ Park.
Ciyaaryahanka reer Sweden ayaa daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta madax ku dhaliyay kadib karoos uu soo qaaday Anthony Gordon.
Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican, laakiin markii uu Isak shabaqa soo taabtay wixii ka dambeeyay ayay ku dhibtoonaysay in ay fursado abuurto.
Gunners waxay aad u tabeysay maqnanshiyaha Odegaard, iyadoo aysan jirin wax badan oo ay garoonka ka sameeyeen saddex weerarka hore ka ciyaareysay.
Mikel Arteta ayaa isbadal ku sameeyay qaybtii danbe ee ciyaarta shaxdiisa, laakiin Newcastle oo difaac adag kujirtay waxba isma beselin.
90kii daqiiqo ee ciyaarta wuxuu kusoo idlaaday iyadoo Arsenal kaliya hal darbo oo bartilmaameed ah sameysay.
Gunners waxay hada kujiraan saddex kulan xiriir ah oo aysan guul gaarin, iyagoo laba kamid ah laga badiyay halka midka kale Liverpool ay barbaro la galeen.