Manchester United ayaa si rasmi ah u magacowday Ruben Amorim inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda.
Amorim oo 39 jir ah, ayaa heshiis la saxiixday Old Trafford ilaa June 2027, iyadoo kooxda ay heysato doorasho ah inay sanad dheeraad ah ku kordhiso heshiiska. Tababaraha reer Portugal, oo afar sano iyo bar ka badan maamulayey Sporting CP, ayaa ku guuleystay shan koob oo waaweyn intii uu joogay caasimadda Portugal, oo ay ku jiraan laba horyaal oo Primeira Liga ah. Sidoo kale laba jeer ayaa loo magacaabay Tababaraha Xilli Ciyaareedka ee Primeira Liga.
Shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii loo magacaabay tababaraha United, Amorim ayaa qirtay: “Toddobaad aan caadi ahayn ayuu ahaa. Waxaan fahamsanahay carada taageerayaasha iyo niyad-jabka. Laakiin nolosha ayaa sidaas iska ah. Waan qiirooday markii ay taageerayaashu sacab ii tumeen, waana sida ay wax u socdaan. Aad ayaan uga mahadcelinayaa taageerayaasha iyo wax walba oo aan halkaan ku muteystay. Dadka waxay u haystaan inaan doonayey inaan markiiba baxo [ciyaarta kaddib] laakiin waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo taageerayaasha.
“Ciyaarta xigta, haddii 15-0 ku guuleysanno ama nalooga badiyo, waxaan halkaas u joogayaa si aan u arko waxa taageerayaashu doonayaan inay i siiyaan. Waxaan fahamsanahay caradooda, laakiin waxaan u soconeynaa hore, wakhtiguna wuu bogsiin doonaa wax walba. Waa xilligii ugu fiicnaa nolosheyda.”
Amorim wuxuu noqonayaa tababaraha lixaad ee joogtada ah ee Manchester United tan iyo markii Sir Alex Ferguson shaqada ka fariistay 2013, waxaana loo xil saaray inuu ku soo celiyo kooxda guulihii ay caanka ku ahayd.