La-taliyihii hore ee Sir Alex Ferguson ayaa aqoonsaday laba ciyaartoy oo Manchester United ah oo la filayo in Ruben Amorim uu meesha ka saaro.
Ruben Amorim ayaa la filayaa inuu yimaado kadib markii Erik ten Hag shaqada laga cayriyay – taasoo timid ka dib bilowgii ugu xumaa ee xilli ciyaareed Premier League ah taariikhda Manchester United – waxaana Rene Meulensteen uu sheegay in laba xiddig ay halis ugu jiraan in la ceyriyo.
Tababarihii hore ee Manchester United, Rene Meulensteen, ayaa aaminsan in Casemiro iyo Christian Eriksen ay noqon doonaan laba ciyaartoy oo wejigabax la kulmi doona inta lagu guda jiro xukunka Ruben Amorim ee Old Trafford, maadaama tababaraha reer Portugal uu isku diyaarinayo inuu noqdo macallinka xiga ee kooxda.
United ayaa ku jirta wadaxaajoodyo la xiriira tababaraha da’da yar ee 39-jirka ah, iyadoo la rumeysan yahay in lacag magdhow ah oo dhan £10 milyan la isku afgartay, inkastoo aan la filayn inuu si rasmi ah xilka u qabto illaa laga gaadho fasaxa xulalka qaramada ee soo socda bisha dambe.
Meulensteen – oo ahaa tababare koowaad oo lagu kalsoon yahay xilligii Sir Alex Ferguson, isagoo 14 sano kooxda la joogay – ayaa aaminsan in imaanshaha Ruben Amorim ay noqon doonto dhamaadka Casemiro iyo Eriksen, isagoo sheegay in tababaraha cusub uu u baahan doono ciyaartoy leh “tamar” iyo awood.
Wuxuu u sheegay Betway: “Khadka dhexe, waxaad is leedahay waxaa laga yaabaa in Casemiro iyo [Christian] Eriksen ay lumin doonaan boosaskooda sababtoo ah, dabcan waxaad u baahan tahay tamar iyo sidoo kale awood inaad ka hortagto baasaska laga abuuri karo khadka dhexe.”
Kuwaas awalba howl gab ayay ahaayeen