Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay wargeysyada iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo khamiis ah.
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay Aurelien Tchouameni u soo bandhigto Chelsea si uu qayb uga noqdo heshiiska ay kula soo wareegayaan khadka dhexe ee Enzo Fernandez kaas oo uu si shaqsi ah u doonayo tababare Carlo Ancelotti. (Fichajes – Spain)
Saraakiisha Real Madrid ayaa walaac ka muujiyay heerka qaab ciyaareedka Tchouameni, waxayna haatan diyaar u yihiin inay dhagaystaan dalabyada u imaanaya xiddiga reer France. (Jorge C Picon)
Barcelona ayaa qorsheyneysa inay lasoo saxiixato goolhaye cusub xagaaga soo aadan, waxaana ay damacsan tahay goolhayaha Porto Diogo Costa. (Relevo – Spain)
Chelsea ayaa sidoo kale xiiso u qabta Costa laakiin waxa ay tartan kala kulmeysaa Bayern Munich oo laga yaabo inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Portugal xilli Manuel Neuer uu ku fikirayo inuu ka fariisto ciyaaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Caughtoffside)
Haddii Porto ay iska iibiso Costa, waxayna isku dayi doontaa inay ku beddeshaanFilip Jorgensen oo Chelsea leedahay. (Fichajes – Spain)
Brentford ayaa dalban doonta in ka badan 60 milyan ginni si uu uga tago weeraryahan Bryan Mbeumo bisha Janaayo Arsenal ayaa xiiso u qabta (Insider Kubadda Cagta)
Hal ciyaaryahan oo ku wajahan Arsenal oo lagu kalsoonaan karo ayaa ah ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Carlos Baleba, kaasoo loo aqoonsaday bartilmaameed rasmi ah. ( talkSPORT)
Dhammaan seddexda kooxood ee Liverpool, Manchester City iyo Real Madrid ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa daafaca midig ee Paris Saint-Germain Achraf Hakimi. (Fichajes – Spain)
Ruben Amorim ayaa ku xujeeyay Manchester United inay dib ula midoobaan daafaca dhexe ee Sporting CP Goncalo Inacio iyo khadka dhexe ee weerarka Marcus Edwards iyo Pedro Goncalves. (TEAMtalk)
Antony, Casemiro, Christian Eriksen iyo Victor Lindelof ayaa dhamaantood diyaar u noqon doona suuqa kala iibsiga kadib imaatinka Amorim. (TEAMtalk)