Ruben Amorim ayaa qarka u saaran in loo magacaabo tababaraha cusub ee Manchester United, waxaana uu durba kala hadlay guddiga qorshaha suuqa kala iibsiga, iyadoo mustaqbalka afar ciyaartooy oo katirsan Red Devils halis uu ku jiro.
Man Utd ayaa ceyrisay Erik ten Hag isniintii, waxayna si deg deg ah ay ugu dhaqaaqday tababaraha Sporting CP kaasoo shaqada Old Trafford qaban kara ka hor kulanka Chelsea.
Man Utd ayaa ogolaatay inay bixiso €10m oo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Amorim.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Sporting Frederico Varandas uu dalbaday €5m oo dheeri ah oo la xiriirta shaqaalihiisa farsamada.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa daaha ka qaaday in Amorim uu durba bilaabay inuu kala hadlo qorshihiisa suuqa kala iibsiga maamulka Man Utd.
Waxaa la fahamsan yahay inay jiraan afar ciyaaryahan oo aan isaga xagiisa muhiim ka aheyn kuwaas oo uu doonayo in la iibiyo Janaayo.
Christian Eriksen iyo Victor Lindelof ayaa ka mid ah ciyaartooyda aan qorshaha ugu jirin Amorim, labada ciyaaryahan ayaa qandaraaskoodu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Amorim ayaa sidoo kale diyaar u ah inuu kooxda ka diro Casemiro iyo Antony, kuwaas oo qaab ciyaaredkoodu uusan qancin.
Amorim ayaa bedelka Lindelof iyo Antony ka heli kara kooxdiisa haatan ee Sporting CP, sida laga soo xigtay TEAMtalk.