Tababaraha Sporting CP, Ruben Amorim, ayaa la filayaa inuu ugu dambeyntii u wareego Manchester United. Waxaa horey ugu guuldareysatay isku dayo dhowr ah oo ay ku doonayeen kooxaha kale ee Ingiriiska sababo kala duwan awgood.
Tababaraha Sporting Lisbon, Ruben Amorim, ayaa muddo dheer aad looga doon-doonayay horyaalka Premier League, balse u wareegistiisa Ingiriiska weli ma hirgelin sababo kala duwan awgood.
Hadda waxay u muuqataa inuu ku sii dhowaanayo ku biirista horyaalka Ingiriiska oo si weyn loo sugayo, iyadoo Manchester United ay u aragto 39-jirkan inuu yahay musharraxa ugu muhiimsan ee buuxinaya booska Erik ten Hag oo dhawaan kooxda ka tagay.
Marka laga hadlayo Chelsea, Amorim ayaa u tartamay inuu ka bedelo Graham Potter sanadkii 2022, balse wuxuu caddeeyay inuusan dan ka lahayn, isagoo doortay inuu Portugal sii joogo.
Markii dambe ayaa timid warqadda la yaabka leh ee Klopp uu ku shaaciyay in xilli ciyaareedkan uu noqon doono kan ugu dambeeya uu leylin doono Liverpool, taasoo keentay in Amorim uu noqdo musharraxii beddeli lahaa Klopp. Balse wuxuu si dhaqso ah uga baxay doorashada kadib markii uu khilaaf ka yimid dhanka farsamada, isagoo ku adkaystay in uu isticmaalo nidaamkiisa 3-4-3.
Ilo ka tirsan Liverpool ayaa si degdeg ah u caddeeyay in uusan waligiis ka mid ahayn musharraxiintooda koowaad… waxeyna si dhaqso ah u soo xusheen Arne Slot inuu noqdo beddelka Klopp.