Xavi oo ah tababare shaqo la,aan ah ayaa loo badinayaa inuu noqon karo ninka kaliya ee bedeli kara Erik ten Hag ka dib markii ay Manchester United ceyrisay ninka reer Holland.
Ten Hag ayaa boorsadiisa ka qaatay Old Trafford maanta ka dib markii ay kooxdiisu guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay West Ham axadii.
Shayaadiinta cas cas ayaa hadda la tacaalaya bilowgoodii ugu xumaa ee xilli ciyaareedkaan, waxa ay badiyeen kaliya seddex kamid ah sagaal kulan ee Premier League lague ciyaartay ololahaan.
Halyeeyga Barcelona Xavi ayaan meesha ka saarin inuu maamulo koox ka dhisan horyaalka England markii wax laga weydiiyay horaantii xirfadiisa tababarenimo.
Isbaanishka oo ka tagay hoggaanka Barca bishii May, waxaa laga yaabaa in lagu soo bandhigo Masraxa Riyada maalmaha soo socda.
“Waxaan isku arkaa naftayda inaan ka shaqeyn karo England, ayuu u sheegay The Times dib wareysi uu bixiyay 2021.
“Waa mid ka mid ah meelaha aan jeclaan lahaa inaan qibrad ka helo.” ayuu yiri Xavi.
Maanta xitaa xaaska Xavi ayaa baahisay sawir wiilka tababaraha Spain oo xiran maaliyada Man Utd, taasoo hadalheynta sii kordhisay.