Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay wargeysyada iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo Axad ah.
Manchester United ayaa ku biirtay tartanka weeraryahanka Brentford Bryan Mbeuma, qaab ciyaareed fiican ayuu kujiraa ninkaan, isagoo dhaliyay sideed gool 10 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan. (Metro)
Arsenal ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Juventus Dusan Vlahovic bisha Janaayo ka dib markii ay ku guuldareysteen inay la soo wareegaan weeraryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko xagaagii. (TeamTalk)
Liverpool ayaa ku guuleysan karta saxiixa daafaca Leipzig Castello Lukeba ka dib markii kooxda Bundesliga ay u bandhigtay qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa. waxa uu u dhaqaaqi karaa Anfield xagaaga soo aadan. ( Sky Germany )
Barcelona ayaa aaminsan in xiddiga garabka uga ciyaara ee Raphinha kordhin doona heshiiskiisa. Qandaraaska Brazilian-kaan wuxuu dhacayaa 2027. (Diario Sport – Spain )
Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid Antonio Rudiger ayaan wax xiiso ah u qabin in uu isaga tago caasimada Spain inkasta oo ay Los Blancos doonayso in ay xagaaga soo socda keento saddex daafac oo cusub. (Team Talk )
Weeraryahankii hore ee Manchester City Mario Balotelli ayaa ku dhow inuu si lama filaan ah dib ugu laabto kubada cagta talyaaniga ka dib markii lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Serie A ee Genoa (Sky Italy)
Tottenham Hotspur, Liverpool, Chelsea iyo Newcastle United ayaa dhamaantood ku dagaalami kara da’yarka reer Serbia Andrija Maksimovic kaas oo wacdaro ka dhigaya Red Star Belgrade. (TBR Football)
Wadahadalada qandaraaska cusub ee xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Pedri ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo xiddiga reer Spain uu qeyb muhiim ah ka yahay qorshaha kooxda. (Fabrizio Romano)
Weeraryahanka Bournemouth Antoine Semenyo ayaa ku jira liiska xiddogaha ay suuqa ka doonayaan kooxaha Newcastle iyo Tottenham Hotspur, inkastoo uu heshiis cusub saxiixay xagaagii, (Insider Football )
Crystal Palace ayaa ka caga jiidaysa inay dib ula furto Newcastle wadahadalo ku saabsan Marc Guehi marka la gaaro suuqa January. Daafaca ayaa xagaagii lala xiriirinayay inuu u wareegayo Magpies. (Insider Football )