Real Madrid ayaa cadaadis xoogan bilowgii kulanka saartay Barcelona oo marti u aheyd kulanka El Clasico, waxayna u ciyaareysay sii xoog badan qeybta hore ee ciyaarta oo ay abuureen fursado tiro beel ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxay ku guuldareysteen inay iska ilaaliyaa line-ka dambe ee difaaca Barcelona oo uu si xeeladeysan u diyaariyay tababare Flick.
Dabinka ugu badan oo ay ku dhaceen ciyaarta 45 daqiiqo ee hore wiilasa Real Madrid ayaa ahaa offside- waxaana loo diiwaan galiyay qebtii hore 0 darbo kooxda Carlo Ancelotti.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barca Fermin Lopez, oo dhawaan ka soo laabtay dhaawac, ayaa ku dhibtooday xawaaraha sare ee kulankaan. Kaliya shan baas ayuu sameeyay qeybtii hore, taasoo soo dadajisay Dani Olmo inuu kasoo kaco kursiga keydka.
Ciyaarta oo aheyd mid dagan oo aan dagaal laheyn waxay keentay in Casado loo taago jaalihii ugu horeeyay kadib qalad uu ku galay Vinicius daqiiqadii 44-aad ee ciyaarta.
Daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta Kylian Mbappe ayaa u muuqday inuu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee El Clasico, laakiin orodkiisa dheer ayaa ku riday garab dhaaf, waa la diiday goolkiisa kadib hubintii VAR iyo garsooraha.
Waxa cajiibka ah ayaa ah in ay aheyd in shan jeer Mbappe iyo saaxiibadiisa Real Madrid loo taagay kulankaan calaamada Offside kaliya qeybtii hore.
De Jong oo soo galay qeybtii labaad ma ahayn wax u fiican Real Madrid, khadka dhexe ee Los Blancos ee afarta ah ayaa ka fiicnaa seddexda Catalan intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaarta.
Fermin Lopez ayaa ahaa ninka la bedelay, ka dib markii uu dhaawac soo gaaray.
Isbedelka Barcelona ku yimid, wuxuu keenay Lewandowski inuu daah furo goolasha El Clasico.
Real Madrid ayaa ku dooday inuu jiro offside, si kastaba ha ahaatee, VAR ayaa hubisay goolka waana la ansixiyay.
Dabinkii difaaca ee Madrid waa la jebiyey! Super, super baas ayuu dhaafiyay Marc Casado daafaca, Lewandowski ayaana si fiican u dhameystiray.
Real Madrid ayaa culeyska kusoo kordhay kadib markii goolkii 2-aad dhalisay Barcelona, shaki kuma jiro kan! Lewandowski ayaa kubad madax ah udhaliyay kooxdiisa kadib karoos ka yimid Balde, Barcelona ayaana hogaanka dheereysatay.
Markaan kadib xisaabtan adag ayaa u yaala tababaraha Real Madrid io u baahan sixirkii BVB oo kale, laakiin habeen kasta ma shaqeyn karaa waa su,aal taageerayaasha is weydiinayeen?
Mbappe ayaa dhaliyay – markale, laakiin haddana waa OffSIDE!
Mbappe ayaa ugu dambayn helay niyad jabka El Clasico, ka dib markii kubad uu siiyay Valverde markale orodkiisa uu dhax dhigay Offside!
Lamine Yamal ayaa goolkii ugu horeeyay ka dhaliyay kooxda Real Madrid oo hogaanka loogu qavtah 3-0 daqiiqadii 78-aad.
Barcelona waa u jabtay Real Madrid markaan, Raphinha ka cawiyay Lamine Yamal, gool uuba la yaabay qaabka uu ku dhaafay goolahye Lunin.
Barcelona oo badisay waliba goolal badan Raphinha ma dhalin macquul ma ahan xiddiga reer Brazil ayaa goolka 4-aad ee kooxdiisa dhaliyay daqiiqadii 84aad ee ciyaarta.
Habeen ceeb iyo xasuuq loogu geystay Real Madrid gurigeed ayuu ahaa , waxaana lasoo afjaray rikoorkii guulaha xiriirka ahaa ee Los Blancos oo dooneysah caawa inay barbareyso rikoorkii Barcelona.
Ciyaarta ayaa guud ahaan kusoo dhamaatay 4- 0 oo ay ku badisay Barcelona oo marti aheyd alla maxaa ceeb dhacday caawa.