Nus Malyan Taageerayaal ah Lamine Yamal maku madadaalin karaa El Clasico
Kylian Mbappe ayaa si joogto ah ugu soo bilowday kooxda Real Madrid tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Paris Saint-Germain bishii June ee sanadkaan.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka caawa ee El Clasico kooxdiisa ay la ciyaarayaan hogaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona ayaa siinaya xiddiga reer France fursad dahabi ah oo uu kor ugu qaadi karo kalsoonida taageerayaasha kooxdiisa cusub.
Ku biirista Mbappe ee Madrid waxay aheyd “riyo” muddo soo jirtay, wuxuu ugu dambeyn uu soo afjartay sannado badan oo Real Madrid ku raad joogtay 25-jirka weerarka ka ciyaara.
13 kulan oo tartamada dhan ah, Mbappe waxa uu dhaliyay sideed gool, laakiin si buuxda Wali uguma kalsoonaan taageerayaasha kooxda, iyadoo tababare Carlo Ancelotti wali uu raadinayo doorka ugu fiican ciyaaryahanka.
Haddii Mbappe uu gool dhaliyo oo uu Madrid ka caawiyo inay barbareyso rikoorka guulaha xiriirka Barcelona oo ah 43 kulan, waxay noqon doontaa wax isaga muhiim u ah.
Ancelotti ayaa carabka ku adkeeyay in Mbappe, oo lix gool ka dhaliyay La Liga, ay tahay inuu diirada saaro gool dhalinta halkii uu wax kale ku mashquuli lahaa, iyadoo tababaraha uu saadaaliyay inuu dhalin karo 30 ilaa 40 gool xilli ciyaareedkan Mbappe.
Robert Lewandowski ayaa 12 gool ku hogaaminaya gool dhalinta horyaalka La Liga, taasoo ka dhigaysa kulankaan in weeraryahanka Barcelona uu dhaliyay laba jibaarka goolasha Real Madrid ee Mbappe.
Marka ay daawadaan in ka badan nus bilyan taageereyaal ah kulankaan caawa, Messi vs. Ronaldo, way iska iloowi doonaan waxaana booskooda taagan Mbappe iyo xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal.