Manchester United ayaa wadahadalo la yeelatay dhowr tababare oo bedeli kara Erik ten Hag, tani waxay sare u qaadaysaa cadaadiska saaran ninka reer Holland.
United ayaa haatan ku jirto afar kulan oo isku xigta oo aan laga badinin, waxay soo martay olole aad u xun, iyagoo afar guul oo kaliya ka gaaray tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan
Man Utd waxay fadhiyaan kaalinta 12-aad ee kala sarreynta Premier League, waxayna u baahan doonaan isbedel deg deg ah.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, United ayaa wadahadalo qarsoodi ah la qaadatay tababarayaal lala xiriirinayo shaqada kooxda.
Wafdi ka kooban afar nin oo uu hogaaminayo madaxa fulinta Omar Berrada ayaa u duulay Barcelona si ay ula hadlaan Xavi 10 maalmood ka hor.
Tababarihii hore ee Barca ayaa shaqo la’aan ah tan iyo markii uu ka tagay Nou Camp xagaagii, waxaana la og yahay inuu ka caga jiidayo inuu tababare u noqdo koox kale oo Spain ah.
Waxaa sidoo kale liiska ku jira maamulaha Sporting Lisbon Ruben Amorim, kaasoo diiday inuu u dhaqaaqo West Ham xagaagii.
Amorim waa mid ka mid ah tababarayaasha aadka loo qiimeeyo Yurub. laakiin United ayaa wajihi doonta dagaal ay la gali karto Man City, iyadoo tababaraha reer Portugal loo arko bedelka Pep Guardiola ee Manchester City.
Magacyo kale oo ay ku jiraan Kieran McKenna, Gareth Southgate iyo Graham Potter ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Man Utd inay shaqadeeda qaban karaan.
Ten Hag inkastoo 200 milyan ginni uu ku qarashgareeyay suuqii ugu dambeeyay, ninka reer Holland wuxuu kooxda Man Utd dhigay kaalintii ugu hooseysay kadib 9ka kulan ee ugu horeeya xili ciyaareedkaan.