Mario Balotelli ayaa ku sii dhawaanaya in uu si lama filaan ah ugu soo laabto Serie A-da isaga oo koox la’aan ah muddo 4 bilood ah.
34-sano jirkaan ayaa ka tagay Adana Demirspor bishii June, iyadoo ciyaaryahanka Talyaaniga uu ku wajahan yahay dhamaadka xirfadiisa ciyaareed.
Mario Balotelli wuxuu u ciyaaray 11 kooxood oo kala duwan xirfadiisa ciyaareed. waxa uu dhaliyay 7 gool 16 kulan oo ciyaaray horyaalka Turkiga xilli ciyaareedkii hore.
Ololahiisa waxaa hor istaagay dhaawac jilibka ah, kooxda reer Turky ayaa go’aansatay inaysan cusbooneysiinin qandaraaskiisa. Taasi waxay ka dhigtay mid xor ah.
Balotelli ayaa horay ugu caawiyay Manchester City in ay ku guuleysato horyaalka Premier League, sidoo kale wuxuu u soo ciyaaray Liverpool, AC Milan iyo Inter Milan.
Marxaladihii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed ayaa uu isku maray Demirspor oo ka dhisan Turkiga iyo Sion oo ka dhisan Switzerland.
Wararka ayaa haatan sheegaya in uu xiddigan diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo kooxda ka ciyaarta Serie A-da ee Genoa.
Madaxda kooxdan ayaa la sheegay inay aad ula dhaceen tababarkii ugu dambeeyay ee uu la sameeyay Balotelli oo aan ciyaarin tan iyo markii uu ka tagayay Turkiga.