Kulanka El Clasico ee caawa ayaa ah mid aad u xiiso badan, waxaana uu khibrad gaar ah u noqon doonaa dhowr ciyaaryahan oo Real Madrid iyo Barcelona ah oo markii ugu horeysay ciyaari doona xifaaltankaan adag.
ilaa 8 ciyaartoy oo Barcelona ah ayaa saf ugu jira kulankooda ugu horreeya ee El Clasico, haddii Hansi Flick uu go’aansado inuu fursad siiyo caawa.
Ciyaartoydaan waxaa ka mid ah kuwo tayo leh oo meelo kala duwan kasoo ciyaaray, waxaana kujira weeraryahano, khad dhaxe, daafacyo iyo goolhaye, kuwaas oo mid kastaaba muhiimad gaar ah uu siinayo kulanka.
Dani Olmo waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Barcelona xagaagan. waxa uu aad u doonayaa in safto kulankiisii ugu horeeyay ee El Clasico. Olmo waxa uu kaga maqnaa Barcelona dhaawac kulamadii ugu dambeeyay.
Marc Casado ayaa ah xiddig kale oo mustaqbal leh kaasoo qaab ciyaareedkiisa kooxda Barcelona uu aad u fiican yahay xilli ciyaareedkan. waxaana uu doonayaa inuu helo fursad uu ku safto kulankiisii ugu horeeyay ee El Clasico.
Pau Victor ayaa la filayaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay EL Clasico. da’yarkaan waxay u badan tahay inuu ku soo bilaawdo kursiga keydka, laakiin wuxuu heli karaa ugu yaraan fursad.
Wojciech Szczesny ayaa isna u baahan inuu helo fursad si uu u ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay kooxda Barcelona iyo kiisii ugu horeeyay ee El Clasico.
Waxaa jira ciyaartooy kale oo dhalin Yaron ah oo safarka ku wehliya kooxda, laakiin uma badna inay heli doonaa fursad ay ku saftaan kulanka El Clasico.