Waxaa jira isbuucaan kulamo xiiso leh Premier League,kooxda difaacaneysa horyaalka ee Man City waxa ay la ciyaari doonto kooxda ugu hooseysa Premier League xili ciyaareedkaan.
Intaa waxaa dheer, afar kooxood ayaa raadinaya inay helaan guulahoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka. Iyadoo kulamadii 9-aad la ciyaari doono.
Caawa
Kooxda Leicester City ayaa garoonkeeda King Power Stadium ku soo dhawaynaysa kooxda Nottingham Forest kulan aad u xiiso badan caawa oo jimco ah kulankaan waxaa loo yaqaan Friday night game.
Nuno Espírito Santo ayaa kooxdiisa waxay ku jirtaa kaalinta sideedaad. Waxa ay dhibcaha la siman yihiin Spurs, dhibic ayay ka sarreeyaan Newcastle halka ay hal dhibic oo keliya ka hooseeyaan Chelsea.
Waa kooxda kaliya ee dhibco ka qaadatay hogaamiyayaasha Premier League ee Liverpool xili ciyaareedkaan.
Guul ay caawa gaaraan waxay u dhaqaajin doontaa kaalinta shanaad ee kala sareynta ugu yaraan 24 saacadood ayay booskaan joogi karaan.
Sabti
Haaland oo gool la’aan ah horyaalka Premier League saddexdii kulan ee ugu dambeeyay, wuxuu kujiraa Abaartiisii ugu dheereyd gool la,aan waayihiisa Manchester City horyaalka Ingiriiska.
Ma doonayo inuu gaaro rikoor afar kulan oo gool la,aan ah, wuxuu heystaa fursada ugu fiican isbuucaan si uu u soo afjaro abaartiisa shabaqa, iyadoo City ay martigelineyso Southampton.
Inkastoo ay soo bandhigeen ciyaaro wanaagsan, Saints waa guul la’aan xilli ciyaareedkan, waxaana rikoorkaas xun la wadaaga saddex koox kale.
Axad
Kooxda Chelsea oo tan iyo bilowgii horyaalka guuldarro la’aan aheyd ayaa lasoo afjaray isbuucii hore iyadoo Liverpool 2-1 uga badisay.
Kooxda Enzo Maresca ayaa dooneysa inay ka jawaabaan guuldarradii ugu dambeysay marka Stamford Bridge ku martigeliyaan Newcastle United.
Magpies ayaan wax guul ah ka gaarin Premier League muddo bil. Tan iyo markii ay 2-1 kaga badiyeen Wolves bartamihii Sebtembar, kooxda Eddie Howe ayaa guuldaro kala kulantay Fulham iyo Brighton, halka ay barbaro la gashay Everton iyo Manchester City.
Ciyaarta ugu adag ee isbuucaan ayaa hogaamiyaasha Premier League ee Liverpool ay u safrayaan Emirates si ay ula ciyaaraan Arsenal.
Reds ayaa todobo guul ka heshay sideed kulan oo horyaalka Ingiriiska ciyaartay xilli ciyaareedkan. Waxa ay shabaqeeda ilaashatay shan kulan, waxaa laga dhaliyay kaliya seddex gool. daafacooda waa dhagax adag. Weerarkoodana, waa naxariislaawayaal Liverpool xili ciyaareedkaan.
Gunners ayaa isha ku haysa in ay ka soo kabsato guuldaradii ka soo gaartay Bournemouth isbuucii hore.
Kooxda Mikel Arteta todoba dhibcood ayay ka danbeyn doonaa kadib sagaal ciyaarood hadii guuldarro ay kasoo gaarto Liverpool axada.